Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Israel oo Xarig iyo ganaax ku xukuntay kun Caruur oo Falastiin ah

$
0
0
Tan iyo bilawgii Sanadkan 2016 ka waxay Ciidamada Israel ee xooga ku haysta dhulka Falastiin ay qafasheen in ka badan kun Caruur oo da’doodu u dhaxeyso 11 iyo 18 jir Ururka Falastiin u qaabilsan arrimaha maxaabiista u xiran Israel ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku sheegay in Caruurta Ciidamada Israel ay qafaashaan ay sii siyaadeen oo ay gaareen 80%  intii u dhaxeysay sanadkii 2015kii ilaa sanadkan 2016 ka. Caruurtaasi waxay ay Israel qaarkood ku xukuntay Xabsi,halka qaar kalena ganaax lacageed oo aanay awoodin  bixiyan waalidka Caruurtaasi. Dhanka kale 1800 Maxaabiis oo xanuunsan ayaa la sheegay inay iminka  Ku jiraan Xabsiyada Israel. MId ka mid ah Xabsiyada Israel ku xirto Maxaabiista Falastiin

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles