Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyey dowlada Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  ayaa sheegay in Dwaladda Imaaraadka Carabta ay kaalin mug leh ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya. Bayaan laga soo saaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dalka isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay dal saaxib dhaw la ah Soomaaliya mar kastana u taagan gacansiinta shacabka Soomaaliya horayna uga qeyb qaadatay taageeradooda ee arrimaha bni’adnimada la xiriirta Madaxweyne Xasan wuxuu cdeeyay in Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya ay  aad u qadarinayaan kaalmada aan shuruudda ku xirneyn oo ay Xukuumdda Imaaraadka u fidiso Soomaalia siiba dhinacyada Arrimaha Bulshada ,wuxuuna xusay in labada dal ay wadaagaan arrimo badan uunaka dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan leh siiba Ganacsiga iyo xiriir Taariikhi ah ah ee soo jireen ah. Dowlada Imaaradka ayaa door muuqdo horay ugu lahayd taageerada dhinaca bini aadannimada ayadoo waayahan danbe bilaawaday in ay si toos ah uga qeyb qaadato dib usoo nooleynta ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles