Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

$
0
0
Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa maanta  kaga qayb galay Akaadeemiyada Jen. Kaahiye xaflad ballaaran oo aad loo soo qabanqaabiyey oo lagu soo gebagebeynayey Tababbar meheradeedka Saraakiisha Ciidanka Booliiska ee sanadkii 2016. Waxaa Sanadkaan la qabtay Afar tababbar meheradeed oo ay ka faa’iideysteen saraakiil gaareysa 140 Sarkaal. Waxaa lagu bartay hawlaha Booliska iyo shuruucda kala duwan. Waxaana kaalin mug leh ka qaatay intey tababarradaas socdeen Ururka Qareennada,Mas’uuliinta Maxkamadaha dalka,xeer ilaalinta, Garyaqaanka Guud iyo Saraakiil ka tirsan Boliiska. Wasiirka iyo taliyaha ciidanka booliska ayaa dar daaran u jeediyay saraakiisha tababbarka loo soo xiray.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles