Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay qoondada haweenku ku yeelan doonaan golayaasha qaranka. Kulanka wacyigelinta ka qeyb-galka haweenka doorashada 2016-ka iyo xaqiijinta Qoonadada haweenka ay ku yeelan doonaan goleyaasha Qaranka, waxaa kaloo ka qeyb-galay kulanka, wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Danjireyaasha Qoondada haweenka u ololeeya, haween ka kala yimid gobollada dalka, Wakiil AMISOM iyo haween murashaxiin u ah kuraasta labada aqal. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ka mid ah dadka u ololeeynaya qoondada haweenka, , ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey dadaalka uu ku bixiyey heerka ay soo gaareen, waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonaan u dhabar adeeygidda howsha doorashooyinka ka dhacaya gobollada dalka ee goloyaasha Qaranka. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in haweenka looga fadhiyo in ay si rasmi ah u xaqiijiyaan Kursiga ay u tartamayaan, iyaguna ay isku kalsoonaadaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Haweenkii kulanka joogey u sheegay go’aannadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran in lagu qeexay hababka loo mari doono qoondada haweenka iyo doorka doorashada sannadkaan. Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, [...]
↧