Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)

$
0
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Genmany  ayaa  waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi waxaana ugu horeyn uu la kulmay  Xeer ilaaliyaha Dalka Germany  iyagoo kawada hadlay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen iyadoo Xeer ilaaliyaha Germany uu balan qaaday in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka. sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya  ayaa la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta Genmany iyagoo  wada qaatay  kulan dheer waxaana ay isla lafa gureen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qota dheeraa ee ka dhaxeeyey labadaasi Ciidan waana ay isla meel dhigeen. S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Booqday Xabsiga ugu Casrisan Dalkaasi ee ku yaala Magaaladda Frankfurt  isagoo soo kormeeray Qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay. Taliyaha  ayaa Xabsiga HiTech Prison ee Frankfurt  waxaa kusoo dhaweeyey Taliyaha Xabsigaasi  waxaana kulan ay wada qaateen ay  uga wada  hadleen  sidii ay u  yeelan lahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Xabsiyada Dalkeena oo iminka si dar dar leh isbadal horumarineed ay uga socdaan. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa  intii uu ku sugnaa Xabsiga frankfurt waxa [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles