Mogadishu, 03 September 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; 10 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howgal amni lagu soo qabtay Lambar 50, Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereysa Waxbarashada, Horjooge Al-Shabaab nabad-qaatay oo Dowladda ay soo dhoweysey, Labo Al-Shabaab lagu tuhmay oo lagu qabtay degmada Dharkinley, Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo xariga ka jaray Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe, Ciidanka oo gacanta ku dhigay Gaari siday Walxaha Qarxa, Cutubyo ka tirsan ciidanka oo Tababar loo soo xiray iyo Taliska Ciidanka Asluubta oo la soo gaarsiiyey Qalab Ciidan. 10 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howgal amni lagu soo qabtay Lambar 50 Ciidanka Dowladda oo garabsanaya ciidanka AMISOM ayaa bilaabay howgalo lagu sugayo amniga oo ay ka fuliyeen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose. Ujeedada howlgallada ayaa ahaa sugida amniga iyo in deegaanada laga sifeeyo haraadiga nabad-diidka. Saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka ka wado deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 10 ruux oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin nabad diidka Al-shabaab. Saraakiisha ayaa shacabweynaha ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeellada [...]
↧