Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mas’uuliyiinta wasaarada waxbarashada. iyo Danjiraha China ee Soomaaliya oo sii sagootiyay arday deeq waxbarasho ka heshay dalka China

Danjiraha  Shiinaha   u fadhiya Soomaaliya  iyo wasiiru dawlaha   Wasaaradda Waxbarashada  Soomaaliya  ayaa  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii Sagootiyay     Arday Soomaaliyeed oo Deeq waxbarasho ka heshay dalka China Safiirka Shiinaha  ayaa sheegay in tacliinta sare  ay tahay  mid  aad muhiim ugu ah   horumarinta   kaabayaasha dhaqale  ee Bulshada   iyo Tignoolajiyadda . Danjiraha ayaa intaasi raaciyay  in  xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha  uu yahay mid  qoto dheer sidaasi darteedna uu dalkiisu sii xoojinayo xiriirkaasi, isagoo tilmaamay in Shiinuhu uu gacan weyn ka geeysandoono horumainta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay  in sanadkan  dawlada Shiinaha ay Deeq   Waxbarasho   oo Lacag  la’aan ah ay siisay      42  arday oo Soomaali ah  kuwaas  oo   ku guulaystay  deeqda waxbarashada   oo Dawlada Soomaaliya ay ka heshay dalka China. Dhinaca Kale  Wasiiru dawlaha Wasaaradda waxbarshada iyo Tacliinta Sare   C/laahi Bile Nuur  ayaa uga Mahadceliyay Dawlada Shiinaha   taageerada    waxbarasho  ee Dawlada Shiinaha  ay sanad walba siiso ardayda Soomaaliyeed,  waxaa uu ugu baaqay dhalinyada  heshay Fursadaasi Waxbarsho   inay ilaaliyaan Sumcadda iyo sharafka Dalkooda

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles