Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjiraha Soomaaliya ee Baxreyn oo laga gudoomay warqadaha aqoonsiga

$
0
0
Danjire Daahir Maxmuud Geelle, ayaa nuqulka warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo gudoonsiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Bahreyn Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa. Danjire Daahir Maxmuud Gelle, oo isla markana ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga,waxa u Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahreyn u sheegay inay Soomaaliya ku dadaalayso horumarinta cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee ay la leedahay Boqortooyada Bahreyn. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Bahreyn Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka cusub oo Dawlaadda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, wuxuuna u ballan qaaday inuu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo. Danijire Daahir Maxmuud Geelle, ayaa waxa u haatan si rasmi ah ugu shaqeeya Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles