Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Gudiga doorashooyinka dadban oo Baydhabo kulan ugu qabtay odayaal dhaqameed

$
0
0
Magaalada Baydhabo waxa odiyaasha dhaqanka uga furmay kulan waciigalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer Qaran iyo kan maamulka Koofurgalbeed. Kulanka oo socondoono muddo 3 maalimood ah ayaa si weyn looga doodi doono doorka hogaamiyayaasha beeluhu ay ka qaadan karaan Doorashooyinka la filaayo in dabayaaqada Sanadkan ay ka dhacaan Dalka Furitaanka kulunka waxaa ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka gudiga doorishooyinka heer qaran,  gudoomiyaha gudiga doorishooyinka dadban ee maamulka Koofur Galbeed, wakiilka xafiiska siyaasadda UNSOM u qaabilsan Magaalada Baydhabo iyo dhamaan odayaasha dhaqanka. Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorishooyinka heer Qaran Deeqo Yaassiin  Yuusuf iyo gudoomiyaha gudiga Doorishooyinka dadban ee maamulka Koofur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal ayaa si wadajir ah u faahfaahiyey ujeedada Kulanka. Qaar ka mid ah odiyaasha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa muujiyey dereenkooda ku aaddan ka qeybgalka Kulanka, iyagoo soo dhaweeyay hannaanka ay u dhacidoonto doorashada.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles