Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

$
0
0
Ciidanka ilaalada xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya ayaa waxaa ay awood u yeesheen in ay ka hortagaan in Al-shabaab ay burburiyaan biraha isgaarsiinta deegaanada gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, sida uu sheegay isu duwaha gobolkaas Maxamuud Saalax. Isagoo sheegay in dhowaan Al-shabaab ay burburiyeen labo anteeno isgaarsiin oo ay laheyd shirkadda telefoonada ee  Safaricom oo ku kala yaalay deegaanada Lafey iyo  Fino oo ka wada tirsan magaalada Mandera, si ay u carqaladeeyaan howlgalada ciidanka iyo isgaarsiinta deegaanka. “Waxaan leenahay ciidamo joogto ah oo deegaanka ka howlgala kuwaas oo ka hortaga  maleeshiyaadka si aynan u waxyeelin isgaarsiinta deegaanada,” ayuu Saalax. Hadalkan ayuu sheegay isuduwaha gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya  Maxamuud Saalax xilli uu kormeerey xafiiska hanta dhowrka gobolkaas, isagoo tilmaamay in Al-shabaab ay miinooyin ku xiraan biraha isgaarsiinta isla markaana qorsheynayaan in sidoo kale ay burburiyaan dhuumaha biyaha magaalooyinka ku yaala gobolka woqooyi bari gaar ahaan kuwa u dhow  xadka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles