Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

$
0
0
Mudane  Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi isla markaana ah ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadanka isu tagga imaaraadka  Carabta ayaa la kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay wadankaas. Kulanka ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac oo arimaha  badan taabanaya, iyadoo sidoo kale ay isla soo qaadeen kor u qaadida iskaashiga ganacsiga,horumarinta, siyaasadda iyo amniga. Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sida dib u dhiska wadanka iyo arimaha bulshada si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda argagaxisada ee Al-shabab isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda. Shaikh Mohammad ayaa carabta ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka la hiigsanayo oo ah horumar iyo kala dambeyn. Waxaana uu shacabka Soomaaliyeed u rajaayay barwaaqo, nabad iyo deganaansho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu dowladda [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles