Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Badeecado dhacay oo lagu qabtay dekadda Muqdisho

$
0
0
Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay badeecado dhacay oo rarnaa ganacsato Soomaaliyeed taasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Muqdisho. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dekedda Muqdisho,ayaa SONNA u sheegay inay badeecadan oo isugu jirtay Buskut,Nacnac,iyo Dawooyin waqtigii isticmaalka dhaafay, ay xabsiga u taxaabeen raggii watay. Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha dowladda federaalka Soomaaliya, Eng;C/rashiid Maxamed Axmed oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inay ganacsatadu mar walba dalka soo geliyaan badeeco dhacday,wuxuuna ku tilmaamay fal dambiyeed laga galay bulshada. Wasiirka,ayaa weydiistay ganacsatada Soomaaliyeed inay sharuucda dalka ilaaliyaan, dowladdana kala shaqeeyaan in la koontaroolo waxyaabaha Dekadda laga soo dajinayo . “Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan nagu siiyaan in aan isla ilaalino tayada badeecadaha dalka soo galaya  iyo kuwa ka dhoofaya taana waxaa fure u ah in aanu wada xoojinno hay’adda qaabbilsan koontaroolka tayada badeecooyinka ee BGM”ayuu yiri wasiirka . Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr; Axmed Cali Daahir  ayaa amray in la ciqaabo dadka ku howlan ka ganacsiga badeecooyinka dhacay,kuwaasoo ay ku jiraan ragga manta soo dejiyay badeecada dhacday. “Hay’adaha sharciga waxan farayaa cid kasta oo ku lug yeelatay faldambiyeedyada noocan ah, kii soo dejiyay iyo intii kala qayb qaadatay dhamaantood waa dambiilayaal  waana in [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles