Shirkan oo looga hadlayay arimaha Xag jirka iyo ka hortaga Tahriibka ayna soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta oo la kaashaneesa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Suudaan ayaa lagu marti qaaday Dowlado badan oo ay Soomaaliya ku jirto waxaana matalayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos Wasiiru Dowlaha ayaa cadeeyay in u jeedka shirkan uu yahay sidii aragti mideesan uga qaadan lahaayeen Warbaahinta Dowladaha Carabta ee ka tirsan Jaamacada Carabta in la sameeyo Qeexitaan Cad oo ku aadan Aragagaxisonimada waxay tahay iyo waxyaabaha lagu garan karo taa oo Dowlado farabadan uu dhib ku haaayo sida Suuriya Liibiya iyo Soomaaliya ayuu yiri Wasiiru Dowlaha oo la hadalayay Warbaahinta Qaranka Xafiiska Khartuum Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos ayaa qeexay mudada uu howsha shaqo u joogo khartuum kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareeso Wasaradda Warfaafinta Dowladda Suudaan uuna ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Suudaan Mudane Axmed Bilaal Cusmaan isagoo hadalkiisa sii wato ayuu raaciyay Biikoos in uu jiro heshiisyo horay u dhax maray labada Wasaaradood loona baahanyahay in la dar dar galiyo fulinta heshiisyadaasi ay kal hore ku wada saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay marti [...]
↧
Wasiiru Dowlaha W. Warfaafinta oo Khartuum uga qeybgalay shir ku saabsan ka hortagida argagaxisada
↧