Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Haruuntiisa ku taal magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, ayaa soo dhaweeyay Jadwalka cusub ee loo dejiyay Doorashada  2016 ka dhici doonto Soomaaliya,kaa oo ay dhawaan ansixiyeen Madadasha Qaranka. Xoghayaha Guud ee Ururkaasi Iyaad Abaadi, ayaa sheegay in Doorashadan ay tahay Talaabo hore loo qaaday, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliya iyo dhinacyada kale ay khuseyso, in ay si habsami ah u dhaqan geliyaan Doorashadan. Wuxuuna xoghayuhu, ballanqaaday in Ururkiisu kaalin mug leh ka qaadan doono, kuna gacan siin doono Xukuumadda Soomaaliya, taaba gelinta barnaamijka iyo nidaamka doorashada. -Mukhtaar-

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles