Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Mareykanka u jeedinayo codsigii ugu dambeeyay oo ay ka dalbanayaan in ay u soo gacan geliyaan wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fetxulah Gulan kaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ku Turkiga ka dhacay 15 bishi Luulyo. “Ha dhowaato ama ha hdeeraato Mareykanka waa in uu kala doortaa Turkiga iyo Fethulah Gulan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay horyaalaan labo ikhtiyaar oo kala ah in uu la shaqeeyo dowladda dimoqraadiga ah ama kooxda Fethulah Gulan Madaxweynaha ayaa dadka Turkiga ugu baaqay in ay ahaadaan kuwo dhiifood isla markaana ka dhigtoon kuwa dhibaatada ka shaqeeya, isagoo sheegay in qaswadiyaasha waqti kasta iyo meel kasta ka imaan karaan. “Waa dooneynaa in aan ku soo gabagebeyno halkaan [Ankara]. Laakiin dadkeena ma rabaan in ay baneeyaan fagaariyaasha,” ayuu hadlkiisa ku daray Erdogan. Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in uusan u jeedin wax farqi ah oo u dhexeeya Daacish, PKK iyo Fethulah Gulan oo fadhigiisu yahay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka. “Kuwa racsan Fethulah Gulan waa ay naftooda ka iibsadeen sheydaan,Daacish waa ay daadiyaan dhiiga dadka muslimka ah sidoo [...]
↧