Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda Ethiopia oo deeq raashiin ah gaarsiisay Beledweyn-Sawirro

$
0
0
Deeqdan ka timid dowladda Ethiopia  ayaa waxaa iskugu jirtay raashinka noocyadiisa  kala duwan, waxaana  loogu talo galay dadkii ay saameeyeen fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne. Jamaaludiin Mustaf Cumar oo ah safiirka ku xigeenka dowladda Ethiopia u jooga wadankeena Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka deeqdaan ay tahay caawinta dadka tabaalaysan isagoona ku wareejiyay duqa degmada Beledweyne. Duqa degmada Beledweyne Cumar Aadan Deeqow Cumar (Baadiyow) ayaa ka mahadceliyay kaalmada raashinka ah iyo dawooyinka dowlada Ethiopia ugu deeqday dadka reer Hiiraan isla markaana maamulka ay si wanaagsan u gaarsiin doonaan dadkii loogu talo galay. Halka lagu warejinaayay deeqda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas khaliif isagoona loo xilsaaray qeybinta raashiinka. Deeqdaan ayaa imaanaysa xili dadka shacabka ah ay si aad ah ugu baahnaayeen kaalmadaan maadaamaa ay gobolka Hiiraan saameeyeen fatahaado iyo abaaro is xigay. W/D: Ibrahim Muxumad Geeddi  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles