Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtey kismaayo, sheegayna in uusan ahayn Murasha Maxwaynaha Dalka

$
0
0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Arbaco 10-August-2016 dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii Madasha Wadatashiga hogaamiyayaasha Qaran oo uu Kaga qayb galay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo ay safarkiisa kuwehelinayeen madaxweyne kuxigeenkii hore mudane C/laahi sheikh ismaaciil fartaag , Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo xubno kakala tirsan labada gole ee xukuumadda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Madaxweynaha kusoo dhaweeyay xubno katirsan golayaasha Dowladda waxaana uu mid mid u gacan qaaday dadkii garoonka kusoo dhaweeyay. Shirjaraa,id oo uu Saxaafadda u qabtay ayuu Madaxweynahu kaga hadlay Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho oo uu xusay in uu ahaa mid muhiim u ah Umada Soomaaliyeed. “Waxaan is leeyahay wixii shirkaas kasoo baxay cid uu u dan ahaa oo si gaar ah loogu daneeyay ma jirto waxaana uu ahaa wax masiirka ummadda oo dhan ka talinaya hadii aan dhahno qolo hebal hala qanciyana wax la dhamaystiri karo ama soo dhamanaya maha balse wuxuu shirkaas ahaa mid aan ku gaarnay waxaan xalka u arkaynay” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam. Mar uu ka hadlayay dib u dhaca kooban ee ku yimid [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles