Shir looga hadlayay doorashooyinka lagu wado inay Soomaaliya ka dhacaan bilaha soo socda oo uu qabtay Mahcadka baarista ee Human Sciences Research Council,ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee K/Afrika. Kulankaasi waxaa ka qeybgalay Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Faarax Sh C/qaadir, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalalka Afrikada Koonfureed, Jamal Barrow, Qunsulka Safaaradda,Mudane Maxamed Cali Mire (Nabaddoon) xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, Xubno ka socay Wasaaradda Arimaha Dibadda K/Afrika iyo Aqoonyihanno K/Afrikan ah. Shirkaan oo ay qudbado ka jeediyeen Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Danjire Jamal Barrow waxay ka hadleen xaaladaha Dalka Soomaaliya iyo in doorasho kuwii hore ka duwan lagu wado in Soomaaliya ka dhacdo, waxa ayna labada Mas”uul qudbaddooda ka sheegeen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso burburkii iyo Dowlad la’aantii mudadada badnayd jirtay. Danjire Jamal Barrow ayaa qudbadiisa ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso shan tiir oo ay muhimadda kowaad labaad iyo sedexaad siiso amaanka ayna hadda ka duwantahay sanadihii hore sida ay ahayd. “ Labaatan Sanno kaddib Soomaaliya hadda waxa ay dib u yeelatay Bandhgi dhexe kaasoo u shaqeeeya sida Bangiyada Caalamiga ah, dhinaca kale waxaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay Qurba joogtii ugu badneyd kuwaasoo doonaya inay ka [...]
↧