Xaflado lagu soo bandhigayay wax qabadkii Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo maanta sanad laga joogo markii la dhisay ayaa waxaa ka qeybgalay R/wwasaaraha Xukuumada Somaaliya ,Wasiirada Arimaha gudaha, warfaafinta, xildhibanno ka tirsan baaralamanka federaalka ah, Gudoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii ay xafladda socotay ayaa R/wasaaraha la guddoonsiiyay shahaaddo sharaf ay ugu talagaleen Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyadoo mas’uuliyiinta Guddiga ay sidookale soo bandhigeen waxyabaihii u qabsoomay muddadii sanadka aheyd ee guddiga uu jiray oo ay ugu muhiimsaneyd tababarro la siiyay xubnaha Guddiga si aqoontooda kor loogu qaado, in la bilaabay dhismaha xarunta cusub ee Guddiga oo noqon doonta meel ka baxsan Madaxtooyada oo hadda ay ku shaqeeyaan, iyo Websiteka Guddiga oo maanta wixii ka dambeeya shaqeyn doona si loogala socdo macluumaadka Doorashooyinka dhacidoona sanadka 2020-ka. Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey) ayaa sheegtay in shaqada Gudiigooda ay tahay diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020-ka loona baahan yahay in madaxda Dowladda iyo shacabkaba ay arintaasi kala shaqeeyaan Guddiga. “Dadka qaar gudigaan in la kala diray ayay la noqotay balse waxaan [...]
↧