Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah

$
0
0
Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay ku kaceen gabood fallo ka dhan ah bani’aaddanimada, labadii sano ee u dambeeyay intii lagu guda jiray howllgallo ciidamada ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi bari iyo Magaalada Nairobi. Waxa ay sheegtay Hay’adda in  la dilay dad badan, sidoo kalane la afduubay 34 Qof,  oo lagu qabtay howlgallada laga sameeyay deegaannadaasi, kuwaasi oo ilaa hadda aan meel lagu sheegin nolol iyo geeri. Cabdi Barre, Maxamed ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel qiyaastii 18 Kiilo Mitir u jirta Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari, kaasi oo bishii Augost 2015 ay ciidamada ka qabteen meel ka baxsan Gurigiisa. Eedeynta Human Rights Watch oo ka kooban 87 Bog  ayaa intaasi ku dareysa in muddadii dambe ay sii kordheysay qabqabashada dadka looga shakiyo Al Shabaab ee la dilo, iyaga oo aan Caddaalada marin kadibna iyada oo aysan ka warqabin Ehaladooda. Hay’adda ayaa xustay in ka badan 8 bil ay wadday baaritaanka kiiskaan, oo laga fuliyay goobaha ay tacaddiyadu ka dhaceen ee Nairobi, Gaarisa, Wajeer iyo Bandheera, iyada oo wareysatay 117 Qof oo isugu jira dhibbanayaal, goob joogayaal, Qareenno, Wariyayaal, Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles