Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

$
0
0
Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay bangiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa furay kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaraddu ayna ka qeyb galayaan Wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada dhinac iyo bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. “Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal. Cabdirisaaq Xasan oo ah la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay kor u qaadidda hannaanka dhaqaale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanidihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya. “Waxa aan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood ay halkaan fadhiyaan, sidoo kale waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq. Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles