Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md: Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray sida loo qeybinayo Raashin gargaar ah oo la gaarsiiyay qaar ka mida degmooyinka Gobolka oo ay ka mid yahiin Yaaqshiid, Boondheere, Waabari iyo X/Jajab. Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyay G/ kuxigeenka Gobolka ee dhinaca siyaasadda Max’ed Axmed Diiriye yabooh ayaa waxaa uu ugu kuurgalayay qaabka raashinka deeqda ee Turkigu loo gaarsiinayo dadwaynaha ku dhaqan dagmooyinkaasi.
↧