Saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay sida xogta argagixisada loogu bedelo caddeymo maxkamadda horteeda kaasoo lagu qabtay dalka Ethiopia. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska IGAD uqaabilsan dhinaca ammanka , waxaana ka qeyb galayay dowladaha ku midoobay urur gobaledka IGAD sida Somalia Ethiopia kenya Jabuuti suudaan Ugandha iyo Tanzania oo qeyb ka ah barig Africa, Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa dowladda kale oo iyagne soo dirsaday khubaro ku xeel dheer sida USA iyo UK. Soomaaliya waxaa uga qeyb galay saraakiil ka socotay maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ay ka mid ahaayeen xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Ahmed Jiinow Xasan, waxa uuna uga war bixyay warbaahinta dowladda wax yaabaha gaarka ah oo Somalia ay la tagtay iyo waxa ay k soo faa’ideen, waxa uuna sheegay in aad dhankooda loogu amaanay maddama ay Soomaaliya ka mid tahay marka loo fiiriyo wadamada IGAD wadanka aad ula dhaqmo dambiyda Arga-gixisada. “Saddax maalin ayuu soconayay shirkan waxaana la tagnay sida aan ula dhaqano kiisaska arga-gixisada runtii wax badan ayaan ka soo faa’idnay sidaas oo ay tahayne wax badana ayey inagane naga faa’ideen waana mid kamid ah wax yaabaha aan la xiriirino xirfadaheenna, sidoo kale waxaan [...]
↧