Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

$
0
0
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab. Tababarkan ayaa mudo uga socday ciidanka, waxaana bixinayey tababarka inta uu socday Imaaraadka Carabta, iyadoo cutubyada kamid noqonaya Kumaan-dooska ay u diyaarsan yihiin difaacida dalka, iyo beegsiga cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab. Ra,iisul wasaaraha dalka mudane Cumar C/rashiid oo soo xiray tababarka ayaa halkaasi kula hadlay ciidanka, waxaana marka  hore uu ugu hambalyeeyey tababarka ay dhameysteen. Mudane Cumar C/rashiid ayaa ciidanka u jeediyey in si wadaninimo ay kujirto ay u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles