Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Amniga “Weerarkii Halgan waxaa lagu dilay 240 ka tirsan Al-Shabaab” DHAGEYSO

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed ayaa caddeeyay in weerarkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay 240 ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan ka soo gaaray kooxda Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, isagoo ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee saakay subixii hore ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

Wasiirka Amniga ayaa idaacadda u xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 240 ka tirsna maleeshiyada Al-Shabaab, laguna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jirey qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Wasiirka Amniga 


,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles