Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka Gobolka oo Baydhabo ku dhagax dhigay waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Maamula Gobolka iyo kan degmada Baydhabo ayaa manta magaalada Baydhabo ay ku dhagax dhigeen mid kamid ah Waddooyinka magaalada oo si aad ah u burbursaneed, taas oo muhiim u ah  marinka Gaadiidka

Xilli magaalada Baydhabo ay ka socodaan Mashaariico aad u farabadan oo lagu dhisayo Waddooyin laga barbartaagayo leerarka ku shaqeeya Cadceedda ama Soolarka  ayaa waxaa maanta la dhagaxdhigay mid ka mid ah Wadooyinka magaalada oo marinka gaadiidka Muhiim uh.

Wadadan oo lagumagacaabo 30 ka isla markaasina ka mid aheyd Wadooyinka sida aadka ah u burburay dhoor iyo labaatankiisano Dalkeenu uu kujiray Dawlad la aanta ayaa waxaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Duqa Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin

Waddada ayaa waxaa dhismaheeda Iskakaashanaya Hay’adaha DDG, DRC iyo waliba Shabaka magaalada Baydhabo. Waxaana  Dhirarkeedu uu gaaraya  3km balac wadada waa 20 mitir, waxaana mashruuca lagu dhisayo wadada lagu magacaabaa “Waxkeen aan wax kuudhise oo ay wadan Hay adaha DRC Iyo DDG oo bulshada lagu dareensiinayo in iyaga Dalkooda ay Dhisan karaan.

Dhagax Dhiga kadib waxaa Warbaahinta lahadley injineerka wadada dhisi doona oo lagu magacaabo Injineer Mahad Maxamuud Cali oo sheegay in dhismaha waddadan ay muhiim u tahay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo duqa Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin ayaa si iskumid ah u faafahiyey ahmiyada dhismaha waddadan ay u leedahay bulshada magaalada Baydhabo gaar ahaan  Gaadidlayda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SAMSUNG CAMERA PICTURES


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles