Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka “SAWIRRO”

$
0
0

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Baydhabo Vs Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo SHabeelaha Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Baydhabo iyo Afgooye  iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin..

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Baydhabo iyo Afgooye waxey noqotay sidan:-

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar su’aal,  waxa ay si faa’iideysi ah ay u heleen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayasha degmada Afgooye, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Baydhabo ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (toban dhibcood).

Afgooye

Tartamayaasha Degmada Afgooye waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal,  halka ay iska qaldeen lix su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Afgooye, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Afgooye ka dhigeysaa inay heleen 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Hadaba kulankii 2aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Baydhabo ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka saddexaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaxda iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

DSC04967 DSC04968 DSC04969 DSC04972 DSC04973 DSC04974 DSC04975 DSC04976 DSC04977 DSC04978 DSC04981 DSC04990 DSC04991 DSC04996 DSC05000

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles