Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Goobaha loogu talagalay bixinta kaararka aqoonsiga oo la kormeeray “SAWIRRO”

$
0
0

13254588_1717434495161969_2584139521420131785_nKormeerakan uu hogaaminaaye Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Ku-xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa waxaa ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka dhanka Siyaasadda iyo Amniga ee Gaobalka banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh kaas oo ay ku tageen Xarumaha uu Maamulka Gobalka Banaadir u asteeyay in lagu bixiyo ama ay dadweynaha Soomaaliyed ee Muqdisho kunool ay ka qaatan kaarka aqoonsiga dhalashada Dowlada Hoose ee Xamar.

Xarunta Taliska ilaalada Deegaanka Xamar,  Degnooyinka Shibis, Howl Wadaag, iyo Wadajir oo ah goobaha loo qorsheeyay in bulshada ay ka qaatan Aqoonsiga Dhalashada Dowlada hoose ee Xamar ayey masuuliyinta booqden iyagoo ku bogaadiyay Howl Wadeenada ka howl gala Xafiiyada kaarka dhalashada iyo Maamulka degmada in ay  dar dar galiyaan abaabulka ay ku wacyi galinaayan shacabka in ay qaatan aqoonsigaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir oo kormeerka kaddib lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu yahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen halka ay mareyso qaadashada kaararka aqoonsiga.

“Degmooyinka uu kusimaha kormeeray ayaa loogu tala galay in lagu bixiyo kaarka aqoonsiga dhalashada oo lagu cadeynayo qofka muwaadinka ah, waxaana maamulka Gobalka uu ka doonaya dadka Soomaaliyed ee ku nool magaalada Muqdisho ay is diiwan geliyaan oo ay qaatan kaarkaasi qofkii aan qaadanin, waxaa ku adkaaneysa in uu ganacsado in uu garoonka ka dhoofo” ayuu yiri Afhayeenka.

Intaasi kadib masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa booqday Dhismaha Cusub ee uu ku shaqeyn rabo  Ururka  Dhallinyarada gobalka Banaadir oo haatan ay ku socoto dib u dhis iyo qalabeen.

13226888_1717435595161859_8021721589978772137_n 13226922_1717434621828623_7667114422585653837_n 13230081_1717435561828529_8946098589219364054_n 13237833_1717435135161905_7384315125209027690_n 13239910_1717434918495260_8589070615368458117_n 13241274_1717436025161816_254670598131028319_n 13241292_1717434828495269_8068232038258391031_n 13241373_1717435785161840_2404177957320016603_n 13244824_1717435361828549_8470051052881492143_n 13254399_1717435635161855_494205851634900913_n 13254467_1717435035161915_187602870747420185_n 13254588_1717434495161969_2584139521420131785_n 13256024_1717435261828559_2692339185163812224_n 13256229_1717434541828631_902102309594786823_n 13256369_1717435488495203_3217570671716397846_n 13266014_1717435721828513_4076409912586169874_nSawir Qaade:- Asad Jabiiba


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles