Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo qabatay Koob loogu magac daray Isdhexgalka Umadaha “SAWIRRO”

$
0
0

DSCN0283Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa qabatay cayaaraha kubadda ee loogu magac daray isdhexgalka Umadaha oo ay wada ciyaareen Kooxo Soomaaliya iyo Uganda kala matalayay, waxaana lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalkaasi.

Kooxahan oo ka koobnaa afar Kooxood ayaa ka kala socday Magaalooyinka Pretoria iyo Restenburg oo ay Soomaalida ku badantahay waxeyna ahayd ciyaartii labaad ee ay Safaaradda taabba galiso.

Ciyaarahan oo lagu qabtay Magaalada Pretoria ayaa waxaa ka qeybgalay Uqeybsanaha Xafiiska Hiddaha iyo Tacliinta,Mudane Cabdi Xalane Xirsi, Xoghayaha Koowaad,Mudane Ismaciil Cabdalle Soomane iyo Danjire Jamal Barrow iyadoo Kooxahii ka qeybgalay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Danjire Jamal Barrow oo furay Ciyaaraha ayaa sheegay inay wax wanaagsan tahay in is dhexgal Umadaha la sameeyo maadama ay ku noolyihiin K/Afrika Umado kala duwan oo u badan Qaaradda Afrika.

“Waxaan idinku dhiiragalinayaa inaad midowdaan dhinacayada Ciyaaraha iyo dhinac walba,waxaan jeclahay inaan halkaan ugu mahadceliyo Madaxa Hidaha iyo Dhaqanka oo suuragaliyay Ciyaarahan waxaan idin rajeynayaa guul Tartankiina wuu furanyahay”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Ciyaaraha oo socday hal maalin ayaa waxaa wada ciyaaray sedex Kooxood oo Soomaali ah iyo hal Koox oo Ugandes ah waxaana Koobka qaaday Kooxdii matalaysay Dalka Uganda.

Xarbi Cabdi Xasan gudoomiyaha Kooxda laga badiyay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kooxdiisu soo bandhigtay ciyaar wanaagsan isla markaana ay ku hormartay Goolal balse nasiibku aan saacidin sidaasna loogu qaaday guusha.

Cabdi Xalane Xirsi Uqeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta ee Safaaradda oo Xafiiskii soo qabanqaabiyay ayaa isagane sheegay in markii labaad ay Safaaradda qabato Ciyaaro noocani ah si buu yiri loo helo isdhexgal wanaagsan.

Ciyaarahan ayaa ahaa kuwa aad u soo jiitay dad weynihii daawanayay waxayna kusoo idlaatay jawii farxadeed.

DSCN0160 DSCN0164 DSCN0168 DSCN0175 DSCN0198 DSCN0200 DSCN0212 DSCN0218 DSCN0226 DSCN0233 DSCN0237 DSCN0273 DSCN0278 DSCN0283 DSCN0287 DSCN0291 DSCN0305 DSCN0328 DSCN0344 DSCN0353 DSCN0414 DSCN0459 DSCN0477WD:C/qaadir Axad,Pretoria

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles