Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Erey bixinta doorashooyinka oo laga hadlay “SAWIRRO”

$
0
0

IMG_3694

Kulankan uu soo qaban qaabiyay guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Arrimaha gudaha, tacliinta sare, quburo ku xeel dheer afka Hooyo, ururrada bulshada rayidka, Wakiilo ka socday UN-ka iyo xubno kale ayaa looga dooday erey bixinta ku saabsan doorashooyinka, si bulshada Soomaaliyeed ay wax badan uga fahmaan macnaha doorasho ay tahay.

Shirka ayaa looga dooday 30 erey oo laga soo turjumay luuqado kale, kuwaasi oo ay macno ahaan soo diyaariyeen qoroyaasha kala ah Axmed Faarax Idaajaa, Yuusuf Garaad Cumar iyo C/fataax Cabdullaahi Gacmo dheere, iyadoo Yuusuf Garaad iyo C/fataax Gacmo dheere ay ka goobta ka soo jeediyeen waxa ay soo diyaariyeen.

Intaas kadib ka qeyb galayaasha ayaa ka dooday erey bixinta doorashooyinka, iyagoo soo jeediyay in lagu darro tallooyin iyo sida ku haboon ee loo isticmaali karo ereyada afafka qalaad ku qoran ee la turjumay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Cismaan Xaliimo Yareey oo Warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in quburadii ka qeyb galay kulanka ay maanta ka doodeen 30 erey, ayna joogteynayaan qabashada kulamada nuucaani oo kale ah..

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in ujeedka guddiga ay tahay sidii dalkan ay u gaarsiin lahaayeen doorasho cod iyo hal qof ah, inta ka horeysana ay diyaarinayaan habkii loo mari lahaa doorashada.

Doodan ku saabsan erey bixinta doorashooyinka ayaa imaaneysa xilli ay nagu soo fool leedahay doorashada Madaxtinimo ee dalka oo waqti dhaw ka dhacay dalka.

IMG_3656 (2) IMG_3660 (2) IMG_3661 (2) IMG_3662 IMG_3664 (2) IMG_3668 IMG_3670 (2) IMG_3671 IMG_3672 (2) IMG_3674 (2) IMG_3675 (2) IMG_3677 IMG_3678 (2) IMG_3681 IMG_3683 IMG_3686 IMG_3688 IMG_3689 IMG_3692 IMG_3694 IMG_3701 IMG_3705 IMG_3711 IMG_3721 IMG_3724 IMG_3727 IMG_3732

IMG_3735 IMG_3742

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Feereysane

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles