Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Golaha wasiirada oo ansixiyay dhismaha guddiga madax banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa

$
0
0

Xubnaha golaha wasiirada ee xukumadda federaalka Soomaaliya  oo manta kulan ku yeeshay magalaadda muqdisho   ayaa  ku anxisiyey sharciga lagu dhisayo guddiga  madax banaan ee  la dagaalanka musuq maasuq  kaas oo ay soo diyaarisay wasaradda  Cadaaladda ee xukumada Soomaaliya, waxayna meel mariyeen  in safiir loo magacaabo wasiir kii hore ee wasaarada boostadda iyo isgaariinta mudane Guleed Xuseen Qaasim.

Shirka golaha wasiiradda ee xukumada federaalka  Soomaaliya oo  shir guddimanyey Ra’iisalwasaare ku xigeenka ee dalka, mudane Maxamed Cumar Carte,  ayaa waxa ay walaac ka mujiyey  go’aanka dowlada Kenya ay ku gaartay  in ay xirto xeryaha qaxoootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo  oo ay ku jiraan kumaan  qaxooti Soomaali u badan.

Xubnaha laanta fulinta jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  ayaa kulankooda waxaa ay ku  bogaadiyeen  howlgadda maleeshiyaadka Al-shabaab   looga xoraynayo deegaanadda  faro ku tiriska ah ee ay kaga sugan yihiin dalka , isla markaana  gargaar deg deg ah la gaarsiiyo  dadka  ku dhaqan deegaanada kooxdaas laga saaray.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles