Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Uganda oo mar kale loo caleema saaray xilka madaxweynaha  

$
0
0

Madaxweyne,Yoweri Museveni, ayaa maanta xaflad ka dhacday caasimadda Kampala mar kale loo caleema saarau xilka madaxweynaha kadib markii bishii April uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

Xafladda caleema saarka, Musevani ayaa ka dhacday garoon ciyaaraha ee Kampala, waxaana ka qeybgalay madax fara badan oo ka socota waddamada caalamka.

Madaxweyne Museni ayaa lagu dhaariyay dastuurka dalka isagoo uu horyaalay calanka dalka Uganda.

Madaxda caalamka ee ka qeybgashay xafladda caleema saarka Musevani ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles