Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Horjoogayaal lagu dilay deegaanka Ceel Timir

$
0
0

ciidan

Faah faahino dheere  ah ayaa ka soo baxaya  howlgallo ay ciidamada xoogga dalka  ka sameeyeen deegaanka Ceel Timir ee  duleedka Galcad ee hoostaga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

Howlkan oo xalay saqdii dhexe ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Timir oo qiyaastii dhanka galbeed 15 ka xiga magaalada Galcad ayaa lagu dilay 15 ka tirsan Al-Shabab.

Ciidamada ayaa bur buriyay fariisin ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deeeganka Ceel Timir,  waxaana guddoomiyaha deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka uu sheegay in ciidamada ay weerarka ku dileen 15 oo labo ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray, Axmed Ciid oo dhanka maaliya u qaabilsanaa Shabaabka, Madaxa amniyaadka Maxamed Cabdulaahi Gaafow iyo mid seddaxaad oo u qaabilsanaa miinooyinka iyo sameynta walxaha qarxa.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles