Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dibax bax ka dhan ah ganacsatada oo ka dhacay Beledweyne

$
0
0

banaan bax

Dibad baxaan looga soo horjeeday ganacsatada magaalada Beledweyn iyo qiimo koror ku yimid qiimaha lagu sarifto lacagaha Qalad oo laga dareemaayo sare u kac balaaran.

Dadweynaha ayaa dalbanayay in maamulka  Gobolka Hiiraan iyo ganacsatada in ay xakameyaan ganacsiga oo ay joojiyaan lacagaha shilinka Soomaaliga ee ay diidayaan ganacsatada .

Intaasi kaddib  ayaa waxaa kulan yeeshay maamulka Gobolka Hiiraaan iyo qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Beledweyne oo isku afgartay in ganacsatada ay qiimo dhimis sameeyaan marka laga hadlayo sarifka lacagaha

Guddoomiye  ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraaan Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad ka caadeystay in ay lacagaha been abuurka ah ay  suuqyada soo geliyaan.

Kuma cusba Gobolka Hiiraan in mararka qaar la soo galiyo lacago been abuur ah  horaantii sanadkii 2014 ayey ahed markii suuqyada Beledweyne lagu arkay lacago been abuur ah ku aad oo keenay sicir barar baahsan

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles