Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dayactirka waddo muhiim ah oo maanta Baydhabo laga billaabay+Sawirro

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo  ayaa maanta siwadajir ah
u dhagaxdhigay  Wadddo  muhiim u ah marinka gaadiidka xamuulka qaada ee isticmaala gudaha magaalada baydhabo taas oo dib u dayactir iyo hagaajin laga billaabay.

Waddadaan oo lagu magacaabo Soddonka islamarkaana burbursaneyd 20 kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan waxaa dib u dayactirkan lagu sameynayo gacan ka gaysanaya hay’adaha DDG iyo DRC iyo maamulka magaalada,

Waxaana dhinaca kale si iskood ah uga baxay waddada si bulshada uga wada faa’ideysato qaar ka mid ah qoysas markii horaba ku soo durgay waddada kuwaas oo garawsaday muhiimadda ay ummadda u leedahay dhismaha waddadaasi taasina waxa ay ka dambeysay markii uu maamulka kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada dagan magaalada Baydhabo.

Dr Cali Rooble oo kamid ah dadka guryahooda kusoodhawaaday waddada dib u dayactirka lagu sameynayo ayaa sheegay in uu garawsaday in gurigiisa oo aad u qurux badanaa uu gacantiisa ku burburiyo si danta guud ee bulshada uu uga shaqeeyo, isagoo shacabka reer Baydhabo guud ahaantood ugu baaqay in ay ku daydaan si waddada la dhisayo looga wada faa’ideysto

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin iyo guddoomiyaha gobolka Baay Cabdirashiid Cabdulaahi ayaa si wadajir ah u sheegay in  in aan marna laga aqbali doonin dadka guryahoodu soo galay waddada, lana burburin doono, waxeyna ugu baaqeen shacabka Baydhabo in ay gacan ka gaystaan dhismaha magaaladooda.

Maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhabo ayaa muddooyinkan  waxaa ay xoogga saarayeen  dib u dhiska waddooyinka magaalada Baydhabo taas oo kamid ahayd ballan qaadyadoodii ay sameeyeen ka hor inta aysan qaban xilalka ay hadda hayaan.

Wariyaha Baydhabo Siraaji Shiekh Isxaaq

vlcsnap-2016-04-12-00h55m11s16 vlcsnap-2016-04-12-00h55m15s53 vlcsnap-2016-04-12-00h55m18s84 vlcsnap-2016-04-12-00h55m21s115 vlcsnap-2016-04-12-00h55m28s186 vlcsnap-2016-04-12-00h55m35s250 vlcsnap-2016-04-12-00h55m42s64 vlcsnap-2016-04-12-00h55m53s178 vlcsnap-2016-04-12-00h55m59s234 vlcsnap-2016-04-12-00h57m37s188 vlcsnap-2016-04-12-00h59m38s124 vlcsnap-2016-04-12-00h59m41s157 vlcsnap-2016-04-12-00h59m59s78 vlcsnap-2016-04-12-01h00m23s59 vlcsnap-2016-04-12-01h00m26s89 vlcsnap-2016-04-12-01h00m32s146 vlcsnap-2016-04-12-01h00m34s174 vlcsnap-2016-04-12-01h00m46s38 vlcsnap-2016-04-12-01h01m08s255

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles