Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka Bari oo maanta la kulmay Odayaasha ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya+Sawirro

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari ahna ku simaha guddoomiyaha Axmed Cali Cirro oo ugu horreyn kulanka furay ayaa sheegay in dadka gobolkan ku nool ee ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ay yihiin ganacsatada labaad ee ugu badan gobolka marka laga soo tago kuwa u dhashay gobolka Bari, wuxuuna intaas ku daray  iney isla garteen Odayaasha iyo waxgaradka ay la kulmeen  in ay ka wada shaqeeyaan amniga gobolka,

Isagoo ballan qaaday in maamul ahaan ay gacan ku siin doonaan sidii ganacsiyadooda sinabadgaly aha ugu wadan lahaayeen iyagoo aan ka duwaneyn ganacsatada gobolkaan u dhalatay.

Nabadoon Cabdul qaadir Ibraahim Xarago oo ka mid ah nabadoonada gobolka Bari ayaa sheegay in dadka ka yimid koofurta Soomaaliya ay ka mid yihiin bulshada Soomaalida ee gobolkaan kunool, loogana baahan yahay bulshada in la ixtiraamo, xuquuqdoodana la ilaaliyo.

qaar ka mid ah Odayaashii maanta kulanka la qaatay maamulka gobolka Bari ee ka soo jeeday Koofurta Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin kulanka dhexmaray iyaga iyo maamulka islamarkaana ay ballaan qaadayaan waxyaabihi laga wada hadlay oo amniga uu ugu horreeyo.

kulanka nmaanta dhexmaray qaarka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Bari ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawr jeer oo hore falal ammaan daro oo gobolka Bari ka dhacay lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dad ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya taas oo soo dadajisay in labadadhinac ay kulan wada qaataan si meesha looga saarowararka been abuurka ah ee la xiriira in dadka koofurta ka soo jeeda ay dhibaateeyaan bulshada gobolkaasi Bari ku nool.

Wariyaha Radio Muqdisho ee Boosaaso Aaamino ladan Axmed Cali

vlcsnap-2016-04-12-01h01m29s210 vlcsnap-2016-04-12-01h01m32s239 vlcsnap-2016-04-12-01h01m35s15 vlcsnap-2016-04-12-01h01m38s47 vlcsnap-2016-04-12-01h01m47s129 vlcsnap-2016-04-12-01h01m53s188 vlcsnap-2016-04-12-01h01m56s225 vlcsnap-2016-04-12-01h02m52s15 vlcsnap-2016-04-12-01h02m55s47 vlcsnap-2016-04-12-01h03m03s120 vlcsnap-2016-04-12-01h03m39s228 vlcsnap-2016-04-12-01h03m55s129 vlcsnap-2016-04-12-01h04m24s168vlcsnap-2016-04-12-01h04m31s232


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles