Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda waxbarashada oo markale u diyaar garowday qaadista imtixaan mid ah “SAWIRRO”

$
0
0

Shirkaan Jaraa’id ayaa ujeedkiisu ahaa u diyaargarowga Imtixaadka sanad dugsiyeedka 2015-2016 oo laga qaadi doono bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Dugsiyada gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Muuse Maxamed Caraale ayaa sheegay in daladaha ay soo gudbiyeen xogta ku saabsan ardayda imtixaanka u fadhiisaneyso.

“Xafiiska gaarka ah ayay shaqada ku soo dhaceysaa, daladaha ardayda u fadhiisaneysa halkan ayay warbixinta ku soo gudbinayaan, inta badan daladaha 85% waa ay soo gudbiyeen xogta ardayda imtixaanka u fadhiisaneyso, mana jiraan wax is qab qabsi ah” ayuu yiri Muuse.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaadka ee ee Wasaaradda Waxbadda hidaha iyo Tackiinta sare Muqtaar Cabdullaahi Xaaji Bulbule ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii imtixaan mid ah looga qaadi lahaa ardayda dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Xaamud Cali Xasan ayaa tilmaamay in ay aad ugu diyaar garoobeen Imtixaadka Sanad-dugsiyeed 2015-2016 oo dhici doona 21-ka bisha May, kaas oo ka wada dhici doono Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, isagoo guul u rajeeyay ardayda Soomaaliyeed.

Waa sanadkii laad ee ay Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ay qaaddo Imtixaan mideyasan oo ay ka qabgelayaan Ardayda wax ka barata Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

IMG_2616 IMG_2623 IMG_2630 IMG_2631 IMG_2634 IMG_2641 IMG_2644 IMG_2647 IMG_2651 IMG_2652

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Jaamac

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles