Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kuuriyada waqooyi oo sameeysay tijaabo kale

$
0
0

Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay mishiin loogu talagalay in uu gantaalada riddada dheer gaarsiin karo qaaradda America.

Wakaaladda wararka ee dalkaasi Kuuriyada waqooyi KCNA ayaa sheegtay in mishiinkan uu xaqiijinayo in gantaallo lagu duqayn karo Maraykanka.

Waxaa la sheegay in tijaabadaasi lagu sameeyay aagga lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer ee ku taala agagaarka xeebta galbeed ee dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi Kim Jong-un ayaa goob ka ahaa tijaabinta qalabkaasi, isagoo sheegay in ay hadda awoodaan in ay dalkooda ka difaacaan waxa uu ugu yeeray shayaadiinta dhulka.

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa waxaa saarann cuna qabaten kaddib markii ay tijaabisay gantaallo riddada dhexe ah iyadoo dhegaha ka fureeysatay dalabaadka uga imaanayay caalamka ee ku wajahan joojinta talaabooyinkaasi ay ku horumarineyso hubkeeda Nukliyeerka ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles