Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Walde ayaa Maanta Lagu Aasay Nairobi”Sawirro”

$
0
0

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuraha Langaanta ee Magaalada Nairobi lagu aasay Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalo Magaalada Nairobi.

Aaska marxuum Walde oo ahaa ruug-cadaa saxaafadeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro,xildhibaano,Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya,Siyaasiyiin,waxgarad,Culumaa’udiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille oo ay aadisku garanayen allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa ka sheekeeyay intii uu ka garanayay taariikhda marxuumka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa sheegay in marxuumka uu ka shaqeeyay wasaarada Warfaafinta,islamarkaana uu noqday agaasimaha idaacadaha Soomaaliyeed,maadaama ay xiligaasi jireen oo kaliya Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

“Waxa uu ahaa dadkii ay ka timid figrada shirkii Imbakasi ee lagu dhisay dowlada hada dalka ka jirta,isagoo sidoo kalna hormuud ka ahaa dhisidda maamulka Puntland”Ayuu sii raaciiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa intaasi ku daray in allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde uu noqday marxuumka kaliya si wada jir ah looga tacsiyeeyo meel kasta oo ay joogto ummada Soomaaliyeed.

Ka dib Aaska Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisaba uga tacsiyeeyay Xildhibaanada ay ka midka Yihiin Pro Maxamed Cabdi Gaandi iyo xildhibaan Abshir Xasan Abshir,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan Baadiyow.

Wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilka-jiir oo ka soo qeyb galay aaska marxuumka ayaa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisa uga tacsiyeyay geerida marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

IMG_4865 IMG_4866 IMG_4870 IMG_4892 IMG_4904 IMG_4915 IMG_4921 IMG_4922 IMG_4923 IMG_4924 IMG_4933 IMG_4935 IMG_4936 IMG_4941 IMG_4944 IMG_4951 IMG_4952 IMG_4959 IMG_4960 IMG_4961 IMG_4962 IMG_4965 IMG_4966

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles