Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo soo bandhigay Jago Bannaan

$
0
0

Gudddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay jago banaan oo ay heyso, waxaana qofkii daneynaya ay ka heli karan qoraalka hoose ama linkiga qoraalka, halkaasi oo aad ka heli karto xog muhiim ah.

Linkiga qoraaalka

Xayeyesiinta Xog Guud

Taariikh, 13ka Feb. 2016

JAGO BANNAAN

Macluumaad Guud

 

Cinwaanka Shaqada: Xoghaye Guud
Tirada: 1 qof
Dhalashada: Soomaali
Loo Shaqeeyaha: Gudddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka
Lagala xiriiro/reference 3 qof oo muhiim ah
Xilliga kama danbeysta ah ee qabashada Codsiyada: 15/ 03/2016

 

Faahfaahinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran

 

Waa Guddi Qaran oo madax bannaan kaas oo u xilsaaran hawlaha doorashooyinka sida: diyaarinta doorashooyinka, fulinta doorashooyinka, diiwaangelintooda axsaabta siyaasadeed iyo maamulkooda, cayimidda goobaha codbixinta IWM.

 

Guddigan oo ku dhisan Qodobada 47, iyo 111G ee dastuurka iyo Xeerka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu ansixiyay Baarlamaanka Federaaliga ah, waxaa xubnihiisa lagu soo xulay habraac cad waxaana ansixiyay labada gole ee dowladda Soomaaliya.

 

Xilka,Waajibaadka iyo Mas`uuliyadda

 

Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka waa isku xiraha Guddiga iyo shaqaalihiisa, wuxuu saldhig u yahay habsami u socodka shaqada Guddiga wuxuuna had iyo jeer ku howlan yahay fulinta shaqooyinka ka dhasha jaangooyada Guddigan.

Waajibaadka Xoghayaha Guud waxaa kale oo kamid ah:

 

  1. Waa madaxa maamulka Guddiga mas’uulna ka ah hagidda hawlaha

xogheynta;

 

  1. Xoghayaha waa Madaxa   Maamulka Xafiiska Doorashooinka, kaasoo siinaya Guddiga Doorashooyinka talooyinka ugu haboon habka maamulka doorashooyinka;

 

  1. Xoghayaha wuxuu ku shaqeynayaa awaamirta Guddiga isla markaana wuxuu siinayaa warbixin joogta ah;

 

  1. Fulinta go’aannada Guddiga; Kormeeridda iyo hagidda habsami u socodka shaqada iyo shaqaalaha Guddiga;

 

  1. Wuxuu mas’uul ka yahay keydinta dukumintiga Guddiga; iyo

 

  1. Hawl kastoo kale oo u xilsaaray Guddiga ama sharciga Guddiga.

 

wuxuu kaloo qabanayaa

  1. Maamulidda, hagidda iyo dhiirrigelinta xoghaye waaxeedyada isagoo la xisaabtamaya, u madaxbannaaneynaya shaqadooda islamarkaana ku taageeraya hawshooda.

 

  1. Dejinta Hindisayaasha horumarineed ee Guddiga iyo kuwa looga gol leeyahay dardargelinta hawlaha Guddiga ee fulineedba.

 

  1. U gudbinta xubnaha Guddiga warbixin joogta ah oo ku saabsan hawlaha Guddiga, isagoo xagga shaqaalahana u soo gudbinaya talada iyo siyaasadda xubnaha guddiga.

 

  1. Qiimeynta hawlaha iyo shaqooyinka waaxaha si joogto ah isagoo ka qeybqaadanaya xallinta wixii baahi ama dhibaato ah ee jira.

 

  1. Dejinta hannaan hogaamineed ku dhisan wada-lahaansho, wadar shaqo iyo iskaashi kaasoo keeni kara in shaqaaluhu noqdo mid hal koox ah (team work).

 

  1. Qorsheynta iyo si habboon u maamulidda ilaha dhaqaale iyo awoodda shaqaale ee Guddiga si loo xaqiijiyo himilooyinka Guddiga.

 

  1. Xiriirinta Waaxyaha hoos taga iyo hay’adaha kale ee Dawladda isagoo la kaashanaya mas’uuliyinta ay khuseyso.

 

  1. Dejinta war-bixin bileedyada, xilliyeedyada iyo tan sanadlaha ah ee guddiga.

 

  1. La dagallanka musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo kooxaysiga si waafaqsan sharuucda dalka.

 

Khibradda iyo Aqoonta:

 

Heerka Aqoonta Master Degree
Nooca

Waxbarashada

M-Arts, sida Qaanuunka, Maamulka, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Cilmiga Bulshada IWM.
Waaya aragnimada Ugu yaraan 10 sano, Shaqaale Rayid, Guddi Madaxbannaan, Hay, ado Caalami ah, soo qabtay xil iyo mas’uuliyad sare.
Luqadaha Soomaali, English, Carabi

 

Xirfadda Guud 1-     Ku wanaagsan xiriirka bulshada (public relation)

2-     Ku fiican Wada-shaqeynta (Team work)

3-     Xiriir dhow la yeelan kara xafiisyada dowladda iyo kuwa beesha caalamka.

4-     Ku wanaagsan xallinta mushkiladaha shaqada.

5-     Ku shaqeyn kara duruufo adag iyo bay’ad qallafsan.

 

Dukumentiyada Laga Doonayo:

 

  • Warqad codsi ah oo saxiixan.
  • Lifaaq taariikh nololeedkiisa/ keeda (CV)
  • Sawirka shahaadooyinkiisa/ keeda
  • Sawirka warqad khibradeed/ keeda
  • Laba Sawir

 

Habka Qabashada Codsiyada

  • Waxaa lagu soo hagaajin karaa xafiiska guddiga oo ku yaal xarunta madaxtooyada.
  • Ama e-mailka guddiga oo ah
  • som@gmail.com

 

Wixii faah faahin ah kala xiriir:

Maxamed M Nuur +252617047608


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles