Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xoghayaha guud ee Q. M. oo booqday qaxooti ku jira xero ku taala waqooyiga Aljeeriya

$
0
0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon, ayaa booqday xero qaxooto oo ku taalla waqooyiga Algeriya taasoo ay ku noolyihiin  qaxooti ka qaxay saxaaraha galbeedka ee Morocco ay maamusho.

Mr Ban Ki Moon ayaa saxaaraha lama degaanka ah ku dulmaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah,  waxa uuna la kulmay dad qaxooti ah oo ku nool xaalad aad u xun.

Guriyihii dhoobada ka sameysnaa ee dadkaasi ay deganaayeen waxaa dumiyay roobab deyrtii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi kuwaas oo watay  dabeylo.

Madaxa koox taageerta madaxbannaanida saxaaraha galbeedka morocco, Maxamed Cabdicasiis ayaa Qaramada Midoobeey  in ay xal u waysay  xaaladda gobolkaasi iyo in xabad joojin la dhex dhigo tan iyo 1991-kii.

Mr Ban, ayaa isku deyayaa inuu dib u billaabo hanaankii nabadeynta, isagoo ku baaqayin la qaado afti dad weyne oo lagu go’aaminayo madax banaanida gobolkas saxaaraha galbeedka ee ay maamusho Morocco .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles