Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulanka baarlamaanka oo maanta su’aalo lagu weydiinayo Taliyaha nabad Sugidda

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa saacado ka hor tagay xarunta golaha shacabka halkaas oo uu ka socdo kulanka  xubnaha baarlamanka kaas oo looga hadlayo amniga caasimadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Sheegay in ajandaha la guda galayo, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid  iyo Taliyaha Nabada sugiddana  ay joogaan kulanka.

Dhanka kale kulanka baarlamaanka waxaa dibadda looga saaray saxaafadda sababo la xiriira arrimo xasaasi ah oo laga hadli doono sida uu sheegay guddoomiye jawaari, iyadoo codeen loo qaaday saxaafadda in ay kulanka joogto iyo in kale laysku raacay in ay bannaanka u baxaan.

Si doo kale baarlamaanka federaalka waxa ay su’aalo la xiriira amniga  weydiinayaan Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Jen C/raxmaan Tuur Yare

 

 

.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles