Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

$
0
0

WhatsAppShare

Madaxweynaha Dawladd goboleedka Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka Puntland ayaa maanta kusoo dhoweeyey Garoonka diyaaraha ee Garoowe  Madaxweynaha Dawladd goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaan  iyo Wafd  uu hoggaaminayo.

Wafdiga oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiro, iyo Xildhibaanno ayaa Waxaa  iyaguna   soo dhoweyn tooda ka-qayb qaatay Wasiiro kamid ah kuwa Maamulka Puntland, Xidhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wafdiga ay u yimaadeen Garoowe xal u helidda dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo sidii xal loogu heli lahaa arrintaasi.

Cabdiweli ayaa ku ammaanay wafdiga wanaagga ay wadaan iyo Soomaalinimada, isagoo ku tilmaamay  in ay yihiin odayaal Soomaaliyeed oo taladooda iyo tusmadoodaba loo baahan yahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin wax kasta oo maslax Soomaalinimo lagu raadinayo.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladd goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, Golayaashiisa iyo shacabka Puntland soo dhoweynta ay u sameeyeen, isagoo sheegay safarkoodu inuu ku qotomo sidii xalwaara looga gaari lahaa shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

IMG_8737 IMG_8760 IMG_8763 IMG_8772 IMG_8783 IMG_8787 IMG_8790 IMG_8800 IMG_8810 IMG_8822 IMG_8852 IMG_8870 IMG_8896  IMG_8960 IMG_8968 IMG_8974 IMG_8976

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles