Dadka reer Uganda ayaa bilaabay saaka in ay u dareeraan goobaha ay yaaliin sanaadiiqda doorashooyinka madaxtinimada ah ee dalkaasi, iyadoo madaxweynaha hadda talada haya Yoweri Museveni uu raadinayo xilli kale isagoo muddo 30 sano ah dalkaasi maamulayay.
Todobo musharax ayaa u taagan xilka madaxtinimada Uganda, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka taariikhda dalkaasi.
Mr Museveni ayaa mucaaradad xoogan kala kulmay siyaasiga rug-cadaaga ee Kizza Besigye iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Amama Mbabazi.
Doorashadan ayaa sidoo kale waxaa ku jira tan xubnaha baarlamaanka dalkaasi.
Goobaha lagu codeynaayo ayaa furmay aroornimadii hore e saaka, iyadoo in ka badan 15 million oo ruux kuwaas oo loo diiwaangeliyay in ay codadkooda dhiibtaan.
Musharax guuleysanaya ayaa laga doonayaa in uu helo in ka badan 50% kaas oo noqonaya madaxweynaha Uganda si looga fogaado wareeg kale oo doorasho .
Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda Uganda ku eedeyay in ay kordhinayso cadaadiska ay ku heyso hogaamiyayaasha mucaaradka, taageeriyaasha iyo saxaafadda intii lagu guda jirey ololaha doorashooyinka.
Mr Museveni, oo 71 sano jir ah, ayaa talada dalka hayay tan iyo 1986, waxaana uu kamid yahay mid kamid ah madaxweyniyaasha ugu xilliga dheer.
Mr Besigye ayaa aan wax guul ah ka gaarin sadexdii xilli doorasho oo uu soo istaagay.
Mr Mbabazi waxaa uu ahaa xulafo hore oo uu lahaa madaxweyne Museveni. Waxaa uu soo noqday Ra’isulwasaare sanadadii 2011-2014, kolkaas oo uu shaqada la ceyriyay.
Intii lagu guda jirey ololaha doorashada ayaa kooxaha mucaaradka ah waxaa ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uu sameeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin hase yeeshee,Mr Museveni gaashaanka ayuu u daruurey ee deyntaasi.
Dalka Uganda ayaa waxaa ka jira shaqo la’aan aad u bahsan iyo adeegyada bulshada oo aad u liidata.
Source: BBC