Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dhaqaalaha Koofur Afrika oo hoos u sii dhacaya iyo Madaxweyne Zuma oo qirtay

$
0
0

Madaxweeynaha dalka Koofurta Afrika Jacob Zuma ayaa waxaa uu ka hor qirtay Kulanka Baarlamaanka Koofurta Afrika in dalka Koofurta Afrika ay soo wajahday dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha.

Hadalkan uu ka jeediyay Madaxweeyne Jacob Zuma baarlamanka dalka Koofurta Afrika ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli qolyaha Mucaaradka dalkaasi Koofurta Afrika ay ku eedeeynayaa madaxweeyne Zuma in uu leexsaday lacago gaaraya labaatan milyan oo doolar oo uu ku dhistay aqalkiisa.

Xubnaha u ololeeya in dalka koofurta Afrika uu ka baxo dhaqaala xumida haayasata ayaa ugu baaqay madaxweeyne Zuma in uu xilka isaga dego.

Taasi mid la mid ah ayaa waxaa ay ka dhacsday afaafaka hore ee baarlamanka dalka Koofurta Afrika oo debadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Madaxweeyne Jacob Zuma  ay ka sameeyeen dhallin yarada isbeddel doonka ah ee dalka Koofurta Afrika

Bileeysa ka hortaga rabshadaha ayaa isku dayay in ay xoog ku kala kaxeeyaan dhallinyaradaasi mudaaharaadyada ka hor sameeyanaya baarlamanka dalkaasi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles