Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Taliyaha ciidanka XDS oo maanta kulan la qaatay saraakiisha ciidanka

$
0
0

WhatsAppShare

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aasan Axmed ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka XDS kaasoo looga hadlay xaaladda ciidanka, iyo habka ay u socdaan howlgallada ciidamadu ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kooxda fanaaniinta ciidanka XDS ee Horseed ayaa furitaanki kulanka ku soo bandhigtay suugaan qiira leh iyo riwaayad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada XDS, taasoo ay aad ugu riyaaqeen taliyaha iyo saraakiishi ka qeybgashay kulankaasi.

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aadan Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa saraakiisha kula dardaarmay iney gutaan wajibaadka qaranka islamarkaana ay ka shaqeeyaan nidaaminta ciidanka ilaaliyaana xuquuqda ciidamada iyo dishabiliinkoodaba.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dugsiga tababarka ciidamada Jasiira loogu magic daray Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan “Dhegabadan’ wuxuuna saraakiisha faray inta magaca dugsiga Jasiira lagu bedelay sidan “Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan”.

Kulankan ayaa ahaa mid todobaadkiiba maalinta khamiista ay saraakiisha ciidamada XDS ku yeeshaan xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kaasoo ay uga hadlaan xaaladda ciidamada.

DSC09784 DSC09785 DSC09786 DSC09787 DSC09792 DSC09793 DSC09800 DSC09801 DSC09803 DSC09807 DSC09808 DSC09809 DSC09811 DSC09813 DSC09815 DSC09816 DSC09818 DSC09819 DSC09820 DSC09821 DSC09822 DSC09829 DSC09830 DSC09832 DSC09833 DSC09834 DSC09835 DSC09836 DSC09840 DSC09841 DSC09843 DSC09845 DSC09847 DSC09848 DSC09849 DSC09851 DSC09853 DSC09854 DSC09859 DSC09862 DSC09863 DSC09867 DSC09869 DSC09871 DSC09872 DSC09874 DSC09876

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles