Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Amniga Ceelbuur oo laga hadlay

$
0
0

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan  degmada Ceelbuur ayaa kulan la qaatay qeybaha bulshada kaasi oo looga hadlayay sidii wada shaqeyn u dhexmari lahayd ciidmada amniga iyo Bulshada.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ee Bariga Gobolka Galgaduud Axmed Maxamed  ayaa Radio Muqdisho uga Warbixiyay waxyaabaha kulanka ka soo baxay.

“kulankaan waxa uu ka dhacay degmada Ceelbuur waxaan uga hadalnay sidii amniga loo sugi lahaa cadowga Shabaabna looga hortagi lahaa  sidii dadka guryahooda ku soo laabanaya loo soo dhaweyn lahaa dowladdana kaalmo loogu wey tiin lahaa waxaana aad ugu mahadcelinyaa Odayaasha kulanka ogolaaday inay nala qaataan” Ayuu yiri  Taliye  Axmed Maxamed.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in xaaladda guud ee degmada ay tahay mid wanaagsan isla markaana ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo amniga lagu sugayo loogana hortagayo Argagixisada Alshabaab.

“xaaladda degmada Ceelbuur waa mid aad u wanaagsan ceelbuur waxa ay ka soo gudbaysaa dhibaatooyin horay uga dhacay halkaan waxaana degmada ku soo laabanaya dadkii ka tagay xilliyadii dhibka uu ka taagnaa amniga ceelbuur hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada xoogga dalka” Ayuu markale yiri Axmed Maxamed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles