Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxkamad ku taala dalka Britain oo 15 sano ku xukuntay nin Soomaali ah

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Britain ee Coventry Crown Court ayaa xukun 15 sano ah ku ridday wiil Soomaali ah oo tooreey ku dhaawacay haweeneey ku nool magaalada Coventry ee dalka Ingiriiska.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Mahad Aadan 33 sano jir ah ayaa  maxkamaddu ku xukumin  15 sano oo xabsi ah.

Shilka ayaa ka dhacay magaalada Coventry ee dalka Ingiriiska bishii September sanadkii 2013-kii iyadoo Mahad Aaden iyo gabadha dhibanaha ay ahaayeen dad isku dhow,  inkastoo xiriir jaceyl ah uusan ka dhaxeynin.

Ninkan  ayaa dhaawaca markii uu geystay kadib u cararay dalka Itoobiya halkaas oo uu joogay illaa snadkii 2015-tii isagoo kadib ku soo laabtay dalka Ingiriiska.

Mahad Aaden waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Heathrow kaddib markii uu labo sano  sharciga ka dhuumanayay waxaana ugu dambeyn maxkamadda Coventry Crown Court ayaa ku xukuntay Aden 15 sano oo xabsi ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles