Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Koofur Afrika: Arday Soomaali ah oo Dugsiyo iyo Masaajid ka qaybiyay Kutubo Qur’aan+Sawirro

$
0
0

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa ayaa deeq kutubo  Quraan ah u qeybiyay dugsiyada laga barto Quraanka Kariimka iyo Masaajidda ay Soomaalidu maamusho ee ku yaalla magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Ardayda ayaa deeqdaan Kutubada Quraanka ah ku wareejiyay Macalimiinta Madaarista Soomaalida ee magaalada Cape Town,iyagoona Macalimiinta Maamula Madaaristaasi ay ka mahadceliyeen deeqda Kutubada Musxafka ah oo baahi ay u qabeen ardayda dhigata dugsiyada Quraanka Kariimka ah.

Gudoomiyaha hay,adda Al-Xayaat Islamic Center Macalin Xamsa Xaaji Cali ayaa sheegay in tallaabo aad iyo aad u wanaagsan ay tahay deeqdaan Kutubada Musxafka ah, wuxuuna u mahad celiyay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay Barnaamijkan.

Sidoo kale gudoomiyaha ardarda soomaaliyeed ee cape town sharmarke ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tallaabadaan ay qaadeen  ardaydaan, waxaa uuna yiri  “aad ayaan ugu farxsanahay inaan ardayda dugsiyada ee Quraanka aan u qeybino kitaabada quraanka si aan u daboolno baahidii ay u qabeen.

Waa markii ugu horreeysay ee Ardayda Soomaaliyeed ee South Africa ay deeq kutubo ah gaadhsiiyaan xarumaha lagu barto quraanka kariimka iyo masaajida Soomaalida ee Magaalada Cape Town.

 W/D Abdulahi ibrahim Dasar Cape town Koofur Afrika.

vlcsnap-2016-02-07-17h55m30s342 vlcsnap-2016-02-07-17h56m36s796

vlcsnap-2016-02-07-17h55m48s936

vlcsnap-2016-02-07-17h56m26s393

vlcsnap-2016-02-07-17h58m02s108

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles