Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dhalinyaro Waxbartay Oo Degmada Yaaqshiid Ka Hirgaliyay Xarun Si Lacag La’aan Ah Wax Lagu baro Carruurta Danyarta Ah “Sawirro”

$
0
0

WhatsAppShare

Dhalinyaradani oo ah kuwa ka baxay jaamacadaha dalka una istaagay waxbarida caruurta Soomaaliyeed ee isugu jira agoon iyo danyar ayaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ka hirgaliyeen xarun si lacag la aan ah wax loogu baro caruurtaasi, iyadoo dhalinyaradni ay ku midoobeen urur lagu magacaabo ururka mideynta Umadda Soomaaliyeed ee UHUMSO.

Mar aan booqanay xarunta wax ay ku bartaan caruurtaasi ayaa waxaa isoo jiitay sida ay ugu heelan yihiin horumarinta waxbarashadooda, waxaana xiligaasi ay qaadayeen heesta Soomaaliyeey Toos oo runtii qiiro wadaniyadeed I galisay sida quruxda badan ay u qaadayeen.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi u istaagay caawimaada caruurtaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Kaamil Cabdi oo aan wareysanay ayaa  sheegay in dhalinyaro Soomaaliyeed iyagoo ah ay is tuseen in muhiim ay tahay in aqoontooda ay ku garab istaagaan caruurta Soomaaliyeed ee danyarta ah ee aan iska bixin Karin qarashaadka laga qaado dugsiyada waxbarasho.

Caruurta Soomaaliyeed ee danyarta ah ee Waalidkoodu uusan awoodin in uu ka bixiyo qarashaadka laga qaado goobaha waxbarasho ayaa u baahan in xil la iska saaro waxbarashadooda, waxaana dhalinyaradani is xilqaamay iyo xaruumaha kale ee Muqdisho ku yaala kuwaa oo wax lagu baro caruurta danyarta ah ay tahay mid dhiira galin ah oo u baahan in dadaaladaasi la kordhiyo.

11045393_747902152020307_3818832765412112119_n 12274742_747902812020241_6353062186967096812_n 12278727_747902628686926_6859462886876856891_n 12294902_747902178686971_7326458332791757746_n 12295273_747902345353621_8033853610664894409_n 12295393_747902265353629_8294331127813163908_n 12295516_747902725353583_4434345495820839569_n 12308352_747902488686940_1960210785624243405_n 12308461_747902382020284_8190313273273756450_n 12308569_747902455353610_5694113574120565417_n 12310450_747902588686930_1822498006150685394_n 12310550_747902418686947_1066993892805002915_n 12310690_747902788686910_2333208343553717596_n 12311091_747902315353624_6512833366931123534_n 12313531_747902235353632_2088727955488826092_n 12313760_747902292020293_608522805554846902_n 12313815_747902708686918_7763350061073140985_n 12316602_747902665353589_5202610555571369475_n

20150710_113727[1] 20150710_113826[1]

?

?

20151015_093302[1] 20151015_093406[1] CAM01116[1] image_01-1[1]

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles